October 25, 2021 | Posted by admin

Xaaladda degmada Guriceel ayaa saaka degan kadib dagaalo saacadihii la soo dhaafay Ciidanka dowladda iyo kuwa Ahlusunna halkaasi ku dhexmaday.

Wararka laga helayo Guriceel ayaa sheegaya in uusan jirin wax dagaal ah, balse mararka qaar la maqlayo rasaas goos goos ah.

Gurmadyo Kala duwan Ayaa la sheegayaa in Labada dhinac ay kala Heleen xalay ilaa saaka, waxaana Dowladda Soomaaliya ay shalay Dhuusamareeb gaysay Ciidamadii ugu badanaa ee ka kooban GorGor iyo Haramcad.

Dhanka Kale Ahlusuna Ayaa dhankooda Gurmad ka Heshay Deegaanada Xeraale iyo Bohol waxaana Gurmad yadaana ay sii xoojinaayaan in wili la is Horfadhiyo ama Colaadu ay sii xoogaysato.

COMMENTS