September 19, 2022 | Posted by admin

Taliyaha Xoogga Dalka Gen Odawaa Yuusuf Raage ayaa u sheegay In 75 kamid ah Alshabaab lagu dilay Howlgalka Yasooman, sidoo kalana gacanta lagu dhigay tiro maxaabiis ah

Howlgalka ayaa wali socda iyaddoo Ciidanka Xoogga ay ku sii siqayaan deegaano horleh oo ay Alshabab Ka taliyaan.

Qeybo ka mid ah Hirshabelle iyo Galmudug waxaa ka socda Hardanka Dagaal culus oo u dhaxeeya Shabaab iyo Ciidanka Dowladda oo kaashanaya dad is abaabulay ee Macaawisley ah

Taliska Xooga ayaa sheegay in guula waa weyn Laga gaaray dagaaladii cuslaa ee ka dhacay Gobalka Hiiraan

COMMENTS