June 27, 2020 | Posted by admin

Xukuumada Somaliland ayaa albaabada iskugu laabtay xaruntii uu telefishanka Universal ku lahaa magaalada Hargeysa.

Ciidamada booliska Somaliland oo amar la soo siiyey ayaa la wareegay xarunta telefishanka Universal

Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Koorre ayaa sheegay in sababta ay u xireen TVga Universal ay tahay khudbaddii madaxweynaha Somaliland ee xuska 26june oo aanay baahin.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay diideen amaro kasoo baxay Somaliland in ay dhaqangaliyaan, islamarkaana ay qeyb ka tahay sababta loo xiray.

Wasiirka ayaa xusay in ay kala laabteen ruqsadii uu ku shaqeynayay TV-ga Universal guud ahaan degaanada Somaliland.

COMMENTS