June 27, 2020 | Posted by admin

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa boggaadiyay matalaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare oo maanta ay ansixiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Madaxweyne Waare waxaa uu cadeeyay in matalaadda iyo maqaamka ay yihiin labo arrin oo kala duwan oo loo baahan yahay in la fahmo.

Waxaa uu sidoo kale u mahadceliyay Xildhibaanada Golaha Shacabka go’aanka geesinimada leh ee ay qaateen kuna aadan in la muujiyo Matalaada Aqalka Sare ee gobolka Banaadir.

COMMENTS