July 29, 2020 | Posted by admin

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Faderaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta kormeer ku tegay Bangiga dhexe ee Soomaaliya “silsiladweyne”.

Sii hayaha xilka Wasiirka 1 aad ee Xukumada Faderaalka Soomaaliya ayaa maamulka bangiga kala hadlay dardar-gelinta shaqooyinka Dowladda ay u hayaan iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Mr Guulleed ayaa ku amray maamulka Bank-ga dhexe in aysan lacaga laga bixi karo Akoonka Dowladda inta lagu jiro xaalada kala guur ah ee Dalka.

“Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed, oo maanta kormeer ku tegay Bangiga dhexe ee dalka ayaa maamulka bangiga kala hadlay dardar-gelinta shaqooyinka qaranka ay u hayaan iyo horumarinta dhaqaalaha dalka” ayaa lagu yiri qoraal kooban lagu daabacay Barta xiriirka bulshada ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Mahdi Maxamed Guulled Khadar oo qoraal uga falceliyay booqashadiisa maanta ee bankiga soo dhigay bartiisa Twetter-ka ayaa sheegay in uu kala hadlay Gudoomiyaha iyo ku xigeenka hormarinta maaliyada dalka.

“Maanta waxaan booqday Bank-ga dhexe ee Soomaaliya waxaan kula kulmay Gudoomiyaha iyo gudoomiye kuxigeenka . Waxaa la iiga warbixiyay isbadallada muhiimka ah ee taageeraya hormarinta maaliyadeed ee kobaca iyo ganacsiyada. Waxaan sidoo kale ka wada hadalnay doorka muhiimka ah ee Bankigu ku leeyahay in uu sii wato wakiilka maaliyadeed ee Soomaaliya” ayuu yiri Mr Guuleed.

Sii hayaha xilka Wasiirka 1 aad ee Xukumada Faderaalka Soomaaliya oo horey u ahaa Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka,hayeeshee 25 July Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabay sii hayaha xilka Ra’iisul wasaaraha saacado uu ka dib markii xilka laga tuuray Xasan Cali Kheyre ayaa socdaal ku tagay xurumaha dhaqaalaha dalka sida Wasaaradda Maaliyada, Dekada iyo maanta oo uu booqday Bank-ga dhexe ee dalka.

COMMENTS