July 29, 2020 | Posted by admin

Madasha Xisbiyada Qaran oo mowqifkeeda la xiriira Doorashada dalka u caddeysay Guddoonka Golaha shacabka ayaa sheegtay in lama huraan ay tahay in Doorashada lagu qabto waqtigeeda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka BF C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa kulan la yeeshay caawa hoggaanka sare ee MXQ gaar ahaan Madaxweyneyaashii hore Mudane, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen, sidii loo maarayn lahaa xaaladda kala guurka ah ee Dalku marayo iyo qabsoomidda Doorasho ku dhacda waqtigeeda loona dhan yahay.

Kulankan oo ka duwanaa kulamadii hore ayay Guddoonka Golaha Shacabka sheegeen inaysan mataleyn, kana socon hey’ad ka baxsan hey’adda ay Guddoonka u yihiin ee Golaha Shacabka, Waxaana Madashu gaarsiisay labadda masuul mawqifkeeda ku aadan doorashooyinka dalka.

Wuxuu Guddoonku sheegay in lama huraan ay tahay in xilligan adag ee kala guurka ah ay diyaar u yihiin in Waddanka xasilloonidiisa laga shaqeeyo laguna dadaalo sidii doorashada loogu qaban lahaa waqtigeedii.

Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran iyo Guddoonka Golaha Shacabka ayaa isku raacay in laga fogaado in Dalku galo marxalad degenaasho la’aan ah maadaama uu gabaabsi yahay waqtigii Hey’adaha Dastuuriga ahaa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana hoggaanka MXQ u caddeeyey Guddoonka Golaha Shacabka inaan la aqbali karin muddo korosi, lama huraanna ay tahay in Doorashada lagu aado waqtigeeda.

Sida la og yahay, muddo xileedkii Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku muddaysnaa Afar sano wuxuu marayaa dhammaad, waxaana la joogaa xilligii Doorashada loo diyaar garoobi lahaa, umana muuqato in hoggaanka talada Dalka hayaa uu diyaar u yahay sidii doorashadu wakhtigeedii ugu dhici lahayd, sidaa darteed Madasha Xisbiyada Qaran waxay cid kasta oo danaynaysa inay Doorashadu ku dhacdo waqtigeedii kala shaqaynaysaa qaabkii ay ku suuro geli lahayd, taas oo looga golleeyahay inaan Dalku gelin firaaq Dastuuri ah.

Madasha Xisbiyada Qaran waxay u aragtaa in ay lama huraan tahay in Doorasho laysla oggol yahay, heshiis lagu yahay, laguna qabto waqtigii loogu tala galay ay tahay dariiqa kaliya ee looga baaqsan karo qalalaase siyaasadeed oo aan marxalladan la joogo Dalku xammili karin.

COMMENTS