July 29, 2020 | Posted by admin

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa la kulmay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo maalmahan ku sugan Muqdisho.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa saaka ku booqday Madaxweyne Qoorqoor hoyga uu ka degan yahay Muqdisho, waxaana kulanka uu ahaa sallaan iyo kala war qaadasho xaalada siyaasadeed ee dalku marayo.

Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Madaxweyne Axmed Qoorqoor ay isaga soo dhowaadeen kala aragti duwanaan ka dhex jirtay labada dhinac oo ka dhalatay shirkii Dhuusamareeb oo aanu Madaxweyne Qoorqoor ku casuumin Guddoomiye Cumar Filish.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa garoonka diyaaradaha tagin, isla markaana aanan soo dhoweyn maalintii Isniintii Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo safarkiisa u horreeyay ku yimid Muqdisho tan iyo markii xilka loo doortay.

COMMENTS