July 21, 2021 | Posted by admin

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyed General Maxamed Tahliil Biixi ayaa maanta guddoomiyay kulan looga hadlay ciribtirka Alshabaab ee goobaha ay uga hareen gobolka Mudug.

 Kulankaan waxaa Goob joog ahaa Taliyihii Hore ee Boliiska Gobalka Banaadir Saadaq Joon oo Muddo ka dib Warbaahinta ka soo Muuqday asigoo xiran Tuutaha Ciidanka Milteriga DFS iyo Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi.

 Qorshaha Kulankaan ayaa ujeedkiisa Lagu sheegay in Galmudug laga saaro Alshabaab waxaana kulankaan uu ka qabsoomay deegaanka camaara oo shalay ciidanku la wareegeen.

 Sidoo kale Kulanka waxaa Goobjoog ka ahaa  Sanatar Cabdi Xasan Cawaale (Qeyb-diid iyo saraakiisha ciidanka hogaamineysa, waxaana Mudug ka soconaya Howlgallo ka dhan ah Alshabaab.

COMMENTS