September 5, 2020 | Posted by admin

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa War Cusub kasoo saartay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo dadaalada ku aadan heshiis mar kale Magaalada Muqdisho ku dhexmara Dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada dalka.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu boggaadiyay tallaabada ay qaaday Madaxtooyadda Somalia, taasi oo ku aadan in Muqdisho ay isugu keento Madaxda dowlad Goboleedyada.

Sidoo kale Safaaradda Mareykanka ayaa Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor  uga mahadcelisay doorkii hoggaamineed ee uu ka qaatay qabsoomad shirkii Dhuusamareeb-3.

Ugu dambeyn Safaaradda ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada dalka ugu baaqday inay dhameystiraan mabaa’diida heshiis ku saabsan is afgarad sal ballaaran leh oo ku aadan Doorashada dalka 2020/2021.

Qoraalkaan kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo Madaxweyne Farmaajo, Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland  ay shir sadde Geesood ku yeelan doonaan Magaalada Muqdisho.

COMMENTS