September 5, 2020 | Posted by admin

Ciidamada ammaanka Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay gaari leylo-calaawi ah oo ay saarneed boqolaal dhalo oo qamri ah, kaasi oo ka yimid dhanka Magaalada Caabudwaaq.

Askarta ku sugan barta koontrol ee laga soo galo Guriceel oo hayay macluumaadka qamrigan ayaa joojiyay gaarigan, kadibna baaris ku sameeyay kartoomo gaarigu siday oo u badnaa qamri ku dahaarnaa kartoomo.

 Laamaha amniga Degmada Guriceel ayaa sheegay in sharciga la horgeeyn doono dadkii watay maandooriyahaaas qamriga ahaa, iyagoona sidoo kalena tilmaamay in qamriga la burburin doono.

Wararka aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in gaariga siday qamriga ee gacanta lagu dhigay uu kusoo jeeday Magaalada Muqdisho, isla markaana uu ka yimid dhinaca Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galagduud.

COMMENTS