September 5, 2020 | Posted by admin

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa La sheegayaa in ugu dambeyntii uu aqbalay shardigii ay madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ku xireen furitaanka shirkii u dhaxeeyey Dowladda Dhexe iyo Labadaan Maamul Goboleed.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ogolaaday inuu shir kale u qabto dhammaan madaxda Maamul Goboleedyada dalka si loo gaaro go’aan loo dhan yahay oo ku saabsan dooorashada la filayo inay Soomaaliya ka dhacdo 2020-2021.

Madaxweynaha ayaa dalabkaan ogolaaday kadib markii uu Maanta kulan hordhac ah madaxtooyada Villa Somalia kula yeeshay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.
Go’aanka uu gaaray madaxweyne Farmaajo ayaa keenay in Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ay soo saarto qoraal deg deg ah oo ay kusoo dhaweeneyso in kulan wadajir ah Muqdisho loo qabto dhammaan maamul Goboleedyada si loo gaaro go’aano lagu mideysan yahay oo ku saabsan doorashada.

Xigasho Caasimada

COMMENTS