September 5, 2020 | Posted by admin

Dab sababay dhaawaca ilaa 3 ruux iyo Khasaaro Hantiyadeed ayaa maanta waxa uu ka kacay tuulada Labo Buraale oo ka tirsan deegaanka Aqabduco ee Gobalka sh/dhexe oo ku dhawaad 25 KM, dhanka waqooyi bari kaga beegan Magaaalada Jowhar ee caasimada Hirshabelle.

Dabka ayaa ka kacay qoys ka mid ah qoysaska halkaasi deganaa dab ushidnaa waxaana meesha ku basbeelay tiro xoolo ah, goobo ganacsi iyo ilaa 11 guri,

Deegaanka maanta dabka uu ka kacay ayaa ka mid ah deegaanada ay go’doomiyeen fatahaad webiga shabeelle.

Dadka deegaanku waxay sheegayaan in khasaaraha uu badiyay Gurmad La’aan ka jirtay deegaanka maadaama uusan Halkaasi ka jirin wax dab damis ah.

COMMENTS