September 5, 2020 | Posted by admin

-Sii hayaha xilka xalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa manta kulan la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka dolwad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid oo maalmahaan Safar shaqo ku jooga Muqdisho.

Laba masuul  ayaa wada hadlay xaaladda guud ee dalka iyo sidii dowladda Federaalka ay uga qayb qadan lahayd Horumarinta Galmudug.

Sido kale labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii ay wadashaqayn xoggan u dhexmari lahayd Wasaaradaha Xukuumadda Fadaraalka iyo Wasaaradaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

Siihayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa dhankiisa Madaxda Galmudug ku amanay shaqadii wanagsanayd ee ay qabteen mudadi koobnayd ee ay xilka hayeen, isagoo tilmaamay inay garab u noqon doono horumarada ka socda Galmudug.

COMMENTS