January 9, 2022 | Posted by admin

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa la kulmay Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre oo ay ka wada hadleen hirgelinta heshiiskii uu maanta gaaray Golaha Wadatashiga Qaran ee dardar gelinta iyo dhammeystirka doorashooyinka.

Kulankaan Ayaa yimid ka dib Markii Maanta la Soo gaba gabeeyay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran lagana Soo saaray Warmurtiyeed.

Khayre iyo Sheikh Shariif Ayaa sidoo kale in Muddo ah la Tilmaamay inay yihiin Budo gooni utuman islamarkaana ay u xagal daacinayaan dhanka Villa Somalia

COMMENTS