January 9, 2022 | Posted by admin

Gudoomiyaha Amniga & Siyaasadda Gobolka benaadir Cali Yare Cali ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in gobolka benaadir ka madax banaan yahay hay’adaha fulinta DFS inta laga gudbayo Maraxaladdaan kala guurka ah.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay dadka doonaya in ay ku bananbaxaan hobolka benaadir in ay ruqsad bixinta ay kala xiriiri karaan Maamulka gobolka benaadir oo aysan cid kale bixin karin. Sidoo kale ciidamada booliska & nabadsugidda gobolka benaadir ayaa lafaray in ay la shaqeeyaan guddoomiyayaasha degmooyinka.

Tan ayaa kadhigan in gobolka benaadir si toos ah ula wareegay howlihii waaraddii Afaraad kaqaban jirtay caasimadda, horay maamulka gobolka benaadir waxa uu ula wareegay howlaha wasaardda waxbarashada, Caafimaadka, Kaluumaysiga, Maantana waxa uu la wareegay howlihii wasaaradda Amniga ka haysay caasimadda,

COMMENTS