August 5, 2020 | Posted by admin

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmad Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa magaalada Muqdisho xalay kula kulmay hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir C/raxmaan C/shakuur.

Kulankan oo ka dhacay hoyga uu ka degen yahay magaalada Muqdisho Madaxweynaha Galmudug ayaa loogaga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Dowlad goboleedka Galmudug.

Qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook Hogaamiyaha xisbiga Wadajir ayuu ku sheegay in kulanka uu ahaa mid talo wadaag ah: “Waxaan caawa kulan talo wadaag ah yeelanay Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmad Cabdi Kaariye (QoorQoor). Waxaan ka wada hadalnay guud ahaan xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan Galmudug iyo sida ugu haboon ee uu ku guulaysan karo shirka Dhuusmareeb-3”.

Madaxweyaha Galmudug Qoor-qoor ayaa maalmahii la soo dhaafay waxa uu ka waday magaalada Muqdisho kulamo siyaasadeed oo uu la yeelanayey siyaasiyiin kala duwan, madaxda Dowlada Federalka iyo danjireyaal.

COMMENTS