August 4, 2020 | Posted by admin

Warar kala duwan ayaa ka soobaxaya Shirka Mudullood oo Maanta galay Maalintii labaad waxaana Maanta Looga dooday arima Muhiim ah oo ku saabsan Maamul gobaleed in uu yeesho Gobalka Banaadir.

Shirkii Maanta oo galay Maalintii labaad waxaa diirada Lagu saaray arimaha siyaasada iyo Hormarinta Deegaanadu ay beeshu degdo, waxaana ka qeyb galay xubna siyaasiin, odayaal, waxgarad iyo xubna kale.

Shirkaan oo shalay Furmay waxaa Madashu aheed in  3 Maalin uu socdo balse waxaa la sheegayaa inuu dib udhacayo oo shirku uu sii balaaranayo sida aan ka soo xiganay qaar ka mid ah xubnaha qaban qaabada.

La soco Faah Faahinta

COMMENTS