June 25, 2020 | Posted by admin

Munaasabad lagu xusayo 60 guurada ka soo wareegtay markii calan Soomaaliyeed laga taagay dhul Soomaaliyeed, isla markaana gobollada Waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriirka ayaa lagu qabtay caawa magaalada Muqdisho.

Munaasabada waxaa ka qeyb galay Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, Diblomaasiyiin, saraakisha ciidanka qalabka sida, maamulka gobolka Benaadir iyo marti sharf kale oo aad u fara badan.

Xafladda oo si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa fanaaniinta Hobollada Qaranka Waaberi, waxa ay madashada ku soo bandhigeen suugaan ka hadlaysa todobaadka Xoriyadda.

12: 00 Habeenimo ee caawa ayaana lasaray calanka Jamuuriyadda waana xilligii sida rasmiga ah gayiga Soomaaliyeed laga luulay Calanka Jamhuuriyadda.

Madaxweyne Farmaajo oo calan saarka ka Hor Munaasabada ka hadlay ayaa umadda Soomaaliyeed la wadaagay Hambalyo ku saabsan Todobaadka xuriyada.

COMMENTS