June 25, 2020 | Posted by admin

Caawa oo aheyd habeen muhiim ah oo ah habeen loo dabaal degaayo 26ka juun oo ah maalintii ay xurriyadda ay qaadteen walaalaha goballada woqooyi.

Waxaa xaqiiqdii caawa munaasabadda kadhacday Villa Somaliya kamaqnaa oo halka xusku kasocday aanan kasoo qeyb galin gudoomiyaha aqalka sare Md Cabdi Xaashi Cabdullahi oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobollada caawa loo dabaal degayay.

xuska caawa waxuu ahaa qabyo sida dad badani ay aamisanyihiin waxeyna ahayd si kasto oo loo kala aragti duwan yahay in ladoono gudoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi, maadaama uu yahay xubinta ugu muhiimsan ee mudnaa inuu ka qeyb galo Munaasabadaan.

Waa ayaan darro iyo nasiib xumo in maalin weyn madaxweynaha iyo Madaxda kale ay muujin waayaan isu tanaasul iyo qadarinta weeyn ay leedahay munaasabadda caawa aan xusnay.

W/Q Hassan Abdulkhader Mudey

COMMENTS