June 25, 2020 | Posted by admin

Af-hayeen u hadlay safaaradda Maraykanka ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in Ambassador Yamamoto uu weli yahay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya.

“Wixii su’aalo ah ee ku saabsan safiir la magacaabayo mustaqbalka waxaa ka jawaabi kara Aqalka Cad,” ayuu yiri af-hayeenku.

Safiirrada Maraykanka waxaa magacaaba Aqalka Cad, waxaana ansixiya Aqalka Sare ee Koongareeska ee Senate-ka, waana hawl qaadan karta dhowr bilood.

Safiirradu waxay ku shaqeeyaan rabitaanka Madaxweynaha, taariikh ahaanna waxay caadiyan xilka hayaan 2-4 sano.

Ambassador Yamamoto waxa uu muddo dheer ahaa shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka, waana sarkaalka shaqaynayey muddada ugu dheer, bishii May ee aynu soo dhaafnay ayey u buuxsantay 40 sano oo uu soo ahaa shaqaalaha arrimaha dibedda.

Inkastoo uu yahay sarkaalka shaqaynayey muddada ugu dheer, haddana waxa uu marayaa meertada is-bedbeddellada muddo xileedka taasi oo u baahan inuu Madaxweynuhu magacaabista sameeyo, kadibna Senate-ku ay ansixiyaan.

Ilaa haatan cidna looma magacaabin inuu beddelo Ambassador Yamamoto, waxana uu sii wadanayaa shaqadiisa inta taasi laga gaarayo.

Xigasho;voa

COMMENTS