June 25, 2020 | Posted by admin

Xarunta Villa Hargeysa waxaa goor dhow kusoo dhamaaday kulan gaar ah oo laga yeeshay Xeerka matalaada G/Banaadir.

Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federalka Cabdiwali Sh.Ibraahim Muudey ayaa gudoomiyay Kulankaasi gaar ah.

Waxaa kulanka kusuganaa guddiga Baarlamaaniga ee soo gudbiyay xeererka Dhamaystirka sharciga Doorashooyinka qaranka iyo qaarkamid ah xildhibaanada golaha shacabka.

Waxaana inta badan kulanka diirada lugu saaray nuqullo kamid ah afarta xeer ee guddiga loo igmaday uuna kamid yahay maqaamka iyo matalaada kuraasta ay ku yeelanayaan golaha aqalka sare Gobolka Banaadir.

Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha shacabka Baarlamaanka Federalka Mahad Cabdalle Cawad.

COMMENTS