April 25, 2015 | Posted by admin

Kulan ay Muqdisho ku yeesheen waxgaradka beel ka mid ah beelaha dega gobolka Galguduud oo ay ka qaybgaleen siyaasiyiin, aqoonyahano, odayaal dhaqan, wax-garad iyo ururradda bulshada ayaa lagu taageeray shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe ee ka socda degmada Cadaado.
Warbixin uu kulanka ka jeediyay, C/llaahi Geeddi Shadoor oo ah xildhibaan hore, isla markaana ka tirsan xubnaha ka qaybgalaya shirka Cadaado ayuu kaga hadlay shirka iyo qaabka uu haatan ku socdo.

Sidoo kale, shirka ayaa lagu shaaciyay in 33 xubnood ay shirka Cadaado uga qaybgalayaan dhankooda, waxaana beeshan ay degtaa magaalooyinka Ceel-dheer, Xarardheere, Galcad iyo kuwo kale oo ka tirsan gobolka Galguduud.

C/llaahi Geeddi Shadoor ayaa loo doortay inuu hoggaamiyo xubnahaasi oo ay ku jiraan toddoba xubnood oo haween ah. Waxaana ka mid ah xubnahaas la xulay.
20154256356556724296734742
20154256356556724296734742

Cabdullahi Geedi Shadoor, Ciise Macallin Maxamuud, C/qaadir Yalaxow Hiraabe, Cumar Cali Shambi, Muxidiin Salaad Cabdi, Muxyadiin Cali Jimcaale (Jakula), Nabadoon Macallin Maxamuud, Dr. Axmed Xasan Rodol, Maxamuud Maxamed Xasan (Tolbert), Axmed Cali Jariiban, Cali ImaanXalane (Gurey), Safia Cabdulle Cali, Madiina Maxamed Cosmaan, Nadiifo Sheekh Cumar iyo kuwo kale.

War-saxaafadeed laga soo saaray kulanka ayaa lagu sheegay in ujeeddada shirkooda uu ahaa in si wadajir ah loo taageero shirka iyo kaalinta ay iyagu ku leeyihiin.

TALOOYINKII SHIRKA KASOO BAXAY WAXAA KA MID AH;

1. Waxaan si buuxda u taageersanahay shirka magaalada Cadaado ka socda ee lagu dhisayo maamulka gobollada dhexe ee dalka.

2. Waxaan isku raacnay in shirka Cadaado aan u dirno wafdi ballaaran oo uu hoggaamin doono C/llaahi Geeddi Shadoor.

3. Waxan shirka Cadaado u gudbinaynaa ‘Fariin Cad’ oo qeexaysa cidda leh go’aan ka gaarista xulista ergooyinka iyo awood-qaybsiga dhismaha dowlad-goboleedka gobollada dhexe ee dalka.

4, Waxaan ugu baaqaynaa abaabulayaasha iyo guddiga farsamada shirka Cadaado inay hubiyaan saxnaanshaha wakillada beelaha dega Gobollada Mudug iyo Galgaduud.

5. Waxaan ka digaynaa wax walba oo faragelin ah, haddii aan jagooyinkii aan lahayn ka wayno shirka Cadaado dib ayaan uga tashan doonnaa.

Ugu dambeyn, xubnihii kulankii ka dhacay Muqdisho ka Qayb-galay waxaa ka mid ahaa; Xildhibaan Cabdulqaadir Macallim Nuur (Khaliifka), Prof. Cabdullaahi Axmed Nuur oo ah guddoomiyaha Bangiga Horumarinta Somalia, Jeneraal Cabdi Maxamed Fiidow (John), Maxamed Ibraahim Cali (Cajiib), Maxamed Cali Jug-weyn, Ganacsade Cali Xaaji Iimaan, Dr. C/qaadir Yalaxow Hiraabe, Cabdi Cali Farroole, Suldaan C/llaahi Macallim Mxamuud iyo Cabdullaahi Geeddi Shadoor.

COMMENTS