April 25, 2015 | Posted by admin

Wiil Soomaali u hanjabay Sarkaal ka tirsan FBI-da Mareykanka oo lagu xiray Gobolka Minnesota

Laamaha Ammaanka ee Mareykanka ayaa xabsiga dhigay Wiil Soomaali ay ku eedeeyeen inuu u hanjabay Sarkaal ka tirsan FBI-da iyo Xafiiska Xeer Ilaalinta Gobolka Minnesota, kadib markii wiilkan uu fariin hanjabaad ah uu soo dhigay bartiisa bulshada.

War qoraal ah oo ka soo baxay Hey’addaha Dambi baarista Mareykanka ee magaalada Minneapolis ayaa lagu sheegay in Maxamed Abuukar Saciid uu shalay gelinkii dambe la xiray, markii boggiisa Bulshada ee uu ku leeyahay Internet-ka uu ku soo qoray hadalo uu ugu hanjabayo Sarkaal ka tirsan FBI-da iyo Xeer Ilaaliyaha Gobolka Minnesota.

Maxamed Abuukar ayaa la sheegay inuu ka carooday tallaabadii lagu xiray lix wiil Soomaali Mareykanka ah oo la sheegay inay isaga saaxib la ahaayeen, kuwaasoo loo xiray inay taageero siinayeen Ururka ISIS, isla markaana ay doonayeen inay ku biiraan oo ay Suuriya aadaan.

Sidoo kale Maxamed Abuukar ayaa lagu eedeynayaa inuu soo dhigay bartiisa bulshada sawirka Wiil Soomaali ah uu u hanjabayo, kaasoo la sheegayo inuu ka dambeeyay xariga dhalinyarada, isla markaana uu Hey’addaha Ammaanka mareykanka uu gacan ku siiyay xariga dhalinyaradaas.

Wiilkan la xiray ayaa noqonaya qofkii 7aad oo Soomaali ah oo ay hey’addaha Ammaanka Mareykanka ay xabsiga dhigaan muddo todobaad gudahood, waxaana laga qabtay magaalada St. Paul ee Gobolka Minnesota.

Dhalinyaro fara badan oo Soomaali Mareykan ah ayaa horay ugu biiray Ururka Daacish iyo Al-Shabaab, kuwaasoo la arkay muuqaalo iyagoo ka bar bar dagaalamaya, waxaana ay qaar ka mid ahna ugu geeriyoodeen dagaalo iyo weeraro ka dhacay Ciraaq, Suuriya iyo Soomaaliya.

COMMENTS