April 25, 2015 | Posted by admin

Mandhera- – Koox la Tuhunsanyahay in ay ka tirsan yihiin Malleyshiyaadka Al-shabaab ayaa ka Afduubtay Magaalada Mandhera Laba Macallin oo Kenyan ah.Guddoomiyaha deegaanka Mandhera Alex Nkoyo ayaa Xaqiijiyey Afduubka Labada Macallin, wuxuuna intaas ku daray in Magacyada Labada Macallin ee la Afduubtay uu dib kasoo Sheegayo.

“Waxaan Baaritaan ku haynaa Dhacdadan taasoo dhacday Toban Saac Xilli Habeen ah, Labada Macallina ma aha kuwo degen Magaalada” ayuu yiri Guddoomiyaha deegaanka Mandhera Alex Nkoyo.

Afduubkan ayaa imaanaya Saacado kedib markii Kooxda Al-shabaab ay Dishay Sarkaal Kenyan ah oo u Afduubnaa ka dib markii la bixin waayey Lacag Madax Furasho ah oo ay Dalbadeen.

COMMENTS