September 17, 2020 | Posted by admin

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa maanta la hor keenay Eedeysaneyaal lagu tuhunsanaa in ay ka dambeeyeen kiiskii kufsiga iyo dilka ahaa ee lagula kacay AUN Xamdi Maxamed.

Dhegeysi kadib Maxkamadda ayaa sii deysey 5 ka mid ah Eedeysaneyaasha oo ay ku jireen 2 Eedeysane oo u ekaa Eedeysanaha 1aad oo laga soo qabtay Cadaado, nin uu u shaqeynayey iyo 2 nin oo shaqada geeyey.

7-da lagu hayo baarista waxaa ugu horeeya Eedeysanihii 1aad oo qirtay inuu Marxuumada Hoteelka geeyey, Milkiilihii Hoteelka, Waardiyihii, Soo dhoweeyihii Hoteelka iyo 4 nin oo Hoteelka siyaabo kala duwan u deganaa.

Waxaa Maxkamadda joogey Xildhibaano, Ehelada Marxuumada iyo dadweyne kale, waxaana dacwada qaadayey Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Gar-Yaqaan CabdiQadar Maxamed Xasan.

COMMENTS