September 17, 2020 | Posted by admin

Siihayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka tacsiyadeeyay dilka degaan hoostaga degmada Raaga Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe loogu geystay dad Culimo ahaa.

Mahdi Guuleed ayaa sheegay in falkaasi uu agaa mid lagu xasuuqay dad biri-mageydo ah, isla markaana cadaaladda la horkeeni doono dadkii ka dambeeyay.

“Aad baan uga xumahay dilka rag culimmo ah loogu geystay deegaanka Raage Ceelle ee gobolka Shabeellada dhexe. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa eheladii ay ka bexeen, Culimadu waa biri-mageydo ay reebban tahay in la waxyeelleeyo. kuwii falkan geystay waxaa la marin doonaa sharciga ayuu yiri” Mahdi Guuleed.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa la sheegay in Shan ruux oo macalimiin ahaa ay ku dileen degaan ka tirsan degmada Raaga Ceelle, isla markaan a ay goobta ka baxsadeen.

COMMENTS