September 17, 2020 | Posted by admin

Wararka laga helayo Degmada Cadale ee Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka aroortii 5 Macalin Quraan lagu dilay iyaga oo xiligaasi ku jiray Subac ama Quraan akhris, aroornimadii hore ee saaka.

Dabley hubeysan oo aan la aqoonsan cida ay ka tirsan yihiin ayaa la xaqiijiyey in ay dilka geysteen kana baxsadeen goobtan, waxaana wal wal xoogan uu soo Food saaray dadka shacabka ah ee Halkaasi degan.

5tw Macalin Quraan ee la dilay ayaa Salaada subax kahor bilaabay Subaca, salaada ka dibna markale oo ay ku laabteen ayay Dableydan dileen.

sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in Laba Macalin Dugsi Quraan ay dhaawac yihiin, waxaana wadarta Guud ee Macalimiinta lagu sheegay 7 Macalin

Ma jirto cid ilaa iyo Hadda ka hadashay arinkaan, waxaana wararku sheegayaan in Falkaani uu Lug ku leeyahay Aana qabiil.

COMMENTS