October 11, 2020 | Posted by admin

Agaasimaha Madaxtooyada Maamulka Jubbaland Abshir Maxamed ayaa Maanta saacado kooban lagu xanibay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, xili uu kusii jeeday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Agaasime Abshir Maxamed ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Caasimadda dalka, isagoo kamid ahaa wafdigii la socday Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ee Muqdisho uga qeyb galay shirarkii looga hadlayay doorashada 2020/2021.

Wararka ayaa sheegaya in markii hore lagu xanibay Baasaboorka Soomaaliga ee Diblomaasiga oo ku jiray liiska madow (Black List), kana mid ahaa mas’uuliyiinta Maamulka Jubbaland ee horay Black List-ga loo geliyay baasabooradooda Diblomaasiga intii uu jiray khilaafkii Dowladda Federaalka iyo Jubbaland.

Intaas kadib Agaasime Abshir Maxamed ayaa waxaa la tilmaamay inuu lasoo baxay Baasaboor Ajnabi uu watay, hayeeshee waxaa lagu wargeliyay in arrinta aysan aheyn Baasaboorka kaliya oo Nabadsugida ay heysato.

Ugu dambeyn Muran ka dhashay xayiraada la saaray Agaasimaha Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa soo fara-geliyay Wasiiro uu ku jiray Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad oo garoonka ku sugnaa iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar, iyagoo la xiriiray Mas’uuliyiinta hey’adaha dowladda, si Agaasimaha loogu ogolaado safarkiisa, isagoo markii dambe la fasaxay.

Xigasho Radio Dalsan.

COMMENTS