October 11, 2020 | Posted by admin

Sidda ay xaqeejiyeen goobjoogayaal koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday gaari Siday dad Shacab ah gobolka Galgaduud.

Hal Qof ayaa ku dhaawacmey kadib markii dablay hubeysan ay rasaas ku fureen gaari ay saaraayeen dad shacab ah oo ka baxay Balamballe kunasii jeeday Deegaanka Qaran oo isla degmadaasi ka tirsan

Kooxda Falkaasi geysatay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen,waxana degaanadaas horay uga dhacay dagaal beeleedyo.

falkan ayaa la xiriira aanooyin qabiil oo mudoba ka dhex jiray xoolo dhaqatada kuwada nool miyiga Balambale.

Maamulka Galmudug ayaa wali arintaan wax war ah kasoo saarin xilli Ciidanka Galmudug ay wadeen bilihii lasoo dhaafay dadaalli looga hortaagyo dagaal beeleedyada.

COMMENTS