October 11, 2020 | Posted by admin

Warbixin ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta shaacisay dad horleh uu soo ridanayo cudurka Covid-19 iyadoo inta badan dadkaasina ay ku nool yihiin maamul goboleedka Puntland.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in 5tii maalin ee lasoo dhaafay Cudurka COVID-19 laga baaray 3,464 qof, isla markaana 119 ruux kamid ah dadkaas laga helay Cudurka.

Wasaaradda ayaa sheegtay in Somaliland 18 kiis laga diiwaan-geliyay, Puntland 99 qof, iyo Gobolka Banaadir 2 qof, Bukaannada cusub 83 ka mid ah waa rag 34-na waa dumar, maalmihii lasoo dhaafay ma jirin wax bukaan ah oo u u geeriyooday Cudurka.

Tirada guud dadka uu ku dhacay COVID-19 ee Soomaaliya ayaa gaartay 3,864 qof, waxaana ka bogsaday 3,089 qof uu ku dhacay Cudurka, isla markaana waxaa guud ahaan dalka Soomaaliya Cudurka ugu dhintay 99 qof.

COMMENTS