August 1, 2020 | Posted by admin

Muqdisho waxaa si weyn Looga hadal hayaa Shaqsiga Loo magacaabi karo Ra’isul wasaaraha dalka, waxaana jira warar sheegaya in Madaxtooyada Dalka Looga yeeray Mid ka mid ah wasiiradii Xukumada Khayre.

Baraha Bulshada ayaa Lagu faafiyay in Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Cabdullahi Cali Xasan Looga yeeray Villa Soomaaliya, Loona Magacaabayo R/W Dalka.

La tashiyo ayaa la sheegayaa in Madaxweyne Farmaajo uu la yeeshay Cabdullaahi Cali Xasan wasiirka Ganacsiga dalka, islamarkaana aad ugu dhaw Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Mashquul fara badan ayaa ka jira Madaxtooyada Soomaaliya waxaa la filayaa in saacadaha Soo aadan Lagu dhawaaqo Ra’isul wasaaraha Soomaaliya

COMMENTS