July 31, 2020 | Posted by admin

Agaasimihii Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Calinuur Salaad ayaa iska casilay xilkiisa.Calinuur ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadka aadka ugu dhowaa Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, waxaana uu xilkan hayay mudadii labadii sano ee la soo dhaafay.

Qoraal uu soo saaray oo ku lifaaqnaa is casilaaddiisa ayuu ku sheegay in isbedel ku yimid aragtida Xukuumadda darteed uu shaqada uga tagay.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in Xafiiska Warfaafinta Ra’iisul Wasaaraha lagu biiriyo kan Madaxtooyada, si looga hortago in Ra’iisul Wasaaraha cusub uu yeesho xiriir bulsho oo toos ah, lana mideeyo howlaha shaqo ee labada Xafiis waana sababta Agaasime kuxigeenkii hore Madaxtooyada C/risaaq Caato loogu magacaabay si KMG Xoghayaha Joogtada Xafiisa Ra’iisul Wasaaraha.

Xigasho Abdiaziz Golfyare

COMMENTS