August 1, 2020 | Posted by admin

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Qin Jian ayaa maanta soo gaaray magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, xili ay weli taagan tahay xiisaddii ka dhalatay heshiiskii Somaliland iyo Taiwan.

Amb. Qin Jian ayaa waxa madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumada Muuse, maadama uu safar ku maqan yahay Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland.

Safiirka ayaa loo sii galbiyay qasriga madaxtooyada Somaliland oo uu kulan kula qaadan doono madaxda ugu sareysa Somaliland, gaar ahaan madaxweyne Muuse Biixi, oo uu kala hadli doono mowqifkooda ku aadan xiriirka Taiwan, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Shiinaha ayaa si adag uga hor-yimid xiriirka labadaasi dhinac, isagoona ku tilmaamay wax aan la aqbali kareyn, isla markaana xad-gudub ku ah Jamhuuriyada dadka ee Shiinaha.

Qin Jian ayaa si rasmi ah madaxweynaha Somaliland u gaarsiin doona diidmada dowladdiisa ee ku aadan in xiriir diblumaasiyadeed lala sameeysto Taiwan, oo iyadu sheegata inay tahay dal ka madax banaan Jamhuuriyada Shiinaha.

Safarka Jian ee Hargeysa ayaa qeyb ka noqonaya dadaalada ay Beijing ku wiiqeyso iskaashiga Taiwan iyo Somaliland, oo iyadu laftigeedu ah maamul ka tirsan Soomaaliya, balse ku dooda madax-banaani aan taageero ka haysan beesha caalamka.

COMMENTS