September 11, 2020 | Posted by admin

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa la kulmay Xisbiyada Mucaaradka dalka, iyadoo kulankan uu ka dhacay Hoyga Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulankan ayaa looga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo sidii doorasho la isla ogol yahay ay dalka uga dhici laheyd.

Madaxweynaha Galmudug ayaa taageero u raadinaya heshiiskii Dhuusamareeb 3 sidii loo dhameystiri lahaa, isla markaana laga ambaqaadi lahaa.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Xisbiyada ku mideysan Madasha Xisbiyada Qaran iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa todobaadkii hore Muqdisho kula kulmay Xisbiyada siyaasadda, isagoo kala hadlay arrimaha doorashooyinka iyo xaalada guud ee dalka.

Kulamada siyaasadeed ee ka socda Muqdisho ayaa ah kuwo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka iyo sidii ay u dhici laheyd doorasho heshiis lagu yahay, kuna dhacda si nabdoon.

COMMENTS