September 11, 2020 | Posted by admin

Guddoomiyihii rugta Ganacsiga Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax ismiidaamin ah oo maanta Salaaddii jimcaha kaddib ka dhacay banaanka masaajid ku yaalla Kismaayo.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Guddoomiyihii rugta ganacsiga Marxuum Shaafi, waxaana uu tilmaamay in dhagarta Argagixisada iyo nacaybka ay u qabaan dadka Muslimka ah ay caddeyn dhab ah ay u tahay sida ay maanta dadka Shacabka iyo Masuuliyiinta ah ee ka soo baxay Salaada Jimcaha ay ugu beegsadeen afaafka hore ee beydka Ilaahey.

Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ismiidaaminta ee ka dhacay Kismaayo, Al-Shabaab ayaa u muuqda inay bedeleen tabtii qaraxyada oo ay adeegsan jireen baabuurta, balse waxaa dhowaanahan soo kordhay qof lagu soo xiro waxyaabaha qarxa oo keligiis duule ah oo isku qarxiya goobaha ciidanka iyo dadka rayidka u badan yihiin.

COMMENTS