September 10, 2020 | Posted by admin

Madaxweynaha  Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Wareegto uu soo saaray waxa uu Cabdinuur Maxamed Axmed ugu magacaabay Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.

Cabdinuur ayaa ka hor xilkan waxa uu ahaa Agaasimaha Waaxda Warfaafinta Xafiiska Madaxweynaha iyo Afhayeenka Madaxtooyada, jagadaas oo uu hayay tan iyo markii uu Madaxtooyada ku soo biiray sannadkii 2017 kii.

Cabdinuur waxa uu muddadaas kamid ahaa agaasimayaashii ugu wakhtiga dheeraa intii Dowladdaan jirtay, Lamana oga sababta Looga bedelay Agaasimaha Warfaafinta Maadaama uu Laf dhabar u ahaa.

Dad badan ayaa is waydiinaya xilligaan oo la gelayo olole siyaasadeed Warbaahintuna ay muhiim u tahay Madaxtooyada waxa loo bedelay Agaasimihii warfaafinta Madaxtooyada soomaaliya

COMMENTS