September 5, 2020 | Posted by admin

HomeWararka Gudaha

Kulan hordhac ah oo magaalada Muqdisho ku dhexmaray Madaxweynaha Jubbaland iyo Madaxweynaha DFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay kulan gaar ah Xarunta Madaxtooyada kula qaatay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Kulanka oo qaatay saacado badan ayaa looga hadlay Arrimo kala duwan sida xaaladda siyaasadeed ee dalka, Arrinta Gobolka Gedo iyo shirka u furmaya Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Jubbaland iyo Puntland.

Ilo-wareedyo ayaa xaqiijiyay in labada dhinac ay arrinta gobolka Gedo ka gaareen is faham hordhac ah, iyagoo u saaray guddi min hal xubin ah kaas oo ka shaqeynaya qaabka Farsamo ee xal looga gaari lahaa arrinta Gedo.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa shuruud ku xiray kulanka Madaxweyne Farmaajo isago dalbaday in Dowladda Federaalka Ciidamada ay geysay Gedo ka soo saarto, isla markaana xasiloonida dib loogu soo celiyo gobolka Gedo.

Maalmo ka hor ayaa waxaa lagu waday in Magaalada Muqdisho uu kulan saddex geesood ah ku dhexmaro Madaxweyneyaasha Jubbaland, Puntland iyo Dowladda Federaalka, hayeeshee waa uu baaqday, welina ma dhicin kulan rasmi ah.

COMMENTS