September 4, 2020 | Posted by admin

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ugu baaqday Madaxweynaha Dowladda Federaalka inuu Shirka Muqdisho noqdo mid ay goobjoog ka yihiin dhammaan dowladaha xubnaha ka ah DF, si looga gudbo khilaafka harreeyay hannaanka doorashada 2020, looga gaaro go’aanno kama dambeys ah oo loo dhan yahay.

Madasha ayaa soo jeedisay in dib u eegis lagu sameeyo qaar ka mid ah qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb 3.

Sidoo kale Madasha ayaa ku baaqday in la ballaariyo gogosha looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka dalka, laguna casuumo hoggaanka Ururada Bulshada Rayidka iyo Xisbiyada Siyaasadeed, si looga feejignaado wax kasta oo keeni kara khilaaf.

Halkan hoose ka akhriso:-

COMMENTS