June 26, 2020 | Posted by admin

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa goor dhow ku kulmay magaalada Gaalkacyo.

kulanka labada Madaxweyne ayaa ah kii u horreeyay, tan iyo markii Axmed Qoorqoor loo doortay Madaxweynaha Galmudug.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku soo dhoweeyay xarunta Madaxtooyada ee Waqooyiga Gaalkacyo Madaxweynaha Galmudug iyo Mas’uuliyiin la socotay.

COMMENTS