June 26, 2020 | Posted by admin

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saakay xariga ka jaray dhismaha xarunta wasaaradda warfaafina dhaqanka iyo dalxiiska ee xukumadda federaalka Soomaaliya iyo xafiisyo cusub oo lagu soo kordhiyay warbaahinta qaranka oo dib udhis balaaran lagu sameeyay.

Munaasabad kooban oo ka dhacday Wasaaradda waxaa goob joog ka ahaa Wasiiiro ka tirsan Xukumadda Soomaaliya iyo dhammaan taliyaasha ciidamada Booliska,Asluubta iyo Xoogga Dalka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda iyo shaqaalaha iyo madaxa wasaaradda warfaafiinta Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Madaxweyne Farmaajo waxaa kusoo dhaweeyay Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye).

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sanadkaan dabaal degyada munaasabadaha Todobaadka xorriyadda u bedeshay mashaariic laga hirgalinayo dalka iyo in la daah-furo xarumihi danta guud ee dib udhiska lagu ssameeyay iyo sidoo kale goobihii  lagu dhisay Barnaamijka isxilqaan sida Tiyaatartka,Matxafka, Maktabada iyo isbartiibada Stadio Muqdisho oo ka mid ah mashruucyada ugu weyn oo ay dowladdu ku guuleysatay inay dib loo dhiso.

Xarumaha kale ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xarriga ka jarayo waxaa ka mid ah Wasaaraddaha,Maaliyadda,Qorsheynta,Arrimaha Dibadda iyo kuwa kale oo dib udhis iyo casriyeyn lagu sameeyay.

COMMENTS