November 18, 2020 | Posted by admin

Labada maalin ee soo socota inta badan Musharaxiinta Madaxweynaha ee safarada dibadda ku maqan ayaa la filayaa inay Muqdisho soo wada galaan, iyadoo todobaadka soo socda Muqdisho geli doonto xaalad siyaasadeed iyo shirar ay yeelanayaan Musharaxiinta Madaxweynaha, waxaana ay ku dhawaaqi doonaan Gole ay ku mideysan yihiin

Ilo ku dhow dhow Mucaaradka ayaa sheegaya inay qaadici doonaan guddiga doorashada ee ay Xukuumadda soo magacawday, sidoo kale waxaa ay sameyn doonaan tallaabooyin barbar socota kuwa dowladdu u qaaday hannaanka doorashada.

Xukuumadda ayaa dhagaha ka fureysatay baaqyadii Musharaxiinta ee ahaa in wax ka bedel lagu sameeyo guddiyada la magacaabay, waxaana taa bedelkeed jawaab uga dhigtay inay xareysay Guddiyadii muranka ka taagnaa oo la dejiyay Hotelka Decale, halkaasoo tababaro ku saabsan howlaha doorashada ku qaadanayaan, inkastoo Guddiyadii laga sugayay Jubbaland iyo Puntland aanay soo gudbin oo ay wali kor u hayaan.

COMMENTS