November 18, 2020 | Posted by admin

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso, isla markaana lala eegtay Ciidamo ka tirsan AMIOSM oo wadada ku socdaalayay , waxaana jira khasaaro ka dhashay qaraxa.

Ciidamada qaraxa lala eegtay oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa waxaa goobjoogayaal sheegeen inay rideen rasaas farabadan, taas oo ay ku waxyeeloobeen dad Shacab ah.

Xilliga qaraxa lala eegnayay Ciidamada AMISOM ayaa waxaa la sheegay inay marayeen halka loo yaqaano Dabaqa Dhiiga oo u dhaw Masaajidka Turkiga oo dhanka Waqooyi ka xiga Isgoyska Fagax ee Muqdisho.

COMMENTS