November 17, 2020 | Posted by admin

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha nafeed ee ka dhashay qarax ismiidaamin ahaa oo Duhurnimadii Maanta ka dhacay agagaarka Dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali oo shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa sheegay in qof isku soo xiray waxaabaha qarxa uu isku qarxiyay Maqaaxi ay ku sugnaayeen dad u badan Shacab, isla markaana uu ka dhashay qaraxaas khasaaro dhimasho & dhaawac ah.

Waxaa uu sheegay in qaraxa ay ku geeriyoodeen Lix Ruux oo uu ku jiro qofkii is qarxiyay halka ay ku dhaawacmeen 8 kale oo lagu daweynayo Isbitaallada ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Afhayeenka waxaa uu sheegay in Ciidamada booliska Soomaaliya ay baaris ku hayaan sida uu qaraxa u dhacay, isla markaana hadda xaalada goobta uu qaraxa ka dhacay ay tahay mid sideedii hore kusoo laabatay.

Bilihii la soo dhaafay ayaa Magaalada Muqdisho amnigeda waxaa uu ahaa mid soo hagaagayay marka laga reebo qaraxyo miinada nooca dhulka lagu Aaso ah oo lala eegtay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, kuwaas oo aan geysan wax khasaaro ah.

COMMENTS