November 18, 2020 | Posted by admin

Allaha u naxariistee waxaa goor dhow geeriyooday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Carte Qaalib.

Marxuumka ayaa ku geeriyooday magaalada Hargeysa ee xarunta xukuumadda Somaliland oo uu waayihii dambe ku noolaa.

Cumar Carte ayaa magaalada Hargeysa ku dhashay sanadkii 1930-kii, sida lagu sheegay taariikhda.

Intii u dhaxeysay sanadihii 1969-kii illaa 1977-kii ayuu Marxuum Carte Soomaaliya ka soo noqday wasiirkii arrimaha dibedda.

Intii uu xilkaas hayey ayuu sidoo kale mar soo noqday madaxweynihii golaha guud ee Qaramada Midoobay (United Nations Security Council).

Madaxweynihii dowladii militeryga Jaalle Maxamed Siyaad Barre ayaa 24-kii bishii Janaayo ee sanadkii 1991-kii waxa uu Cumar Carte Qaalib u magacaabay ra’iisul waraarihii dalka, balse inta uusan soo dhisin xukuumadiisii ayey burburtay dowladnimadii Soomaaliya.

COMMENTS