April 4, 2021 | Posted by admin

Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Gobaleedka Galmudug  Mudane Cali Daahir Ciid ayaa ka hadlay dagaal degaano ku yaal duleedka Magaalada Dhusamareb ay Ciidamada dowladda kula galeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Cali Daahir Ciid M Madaxweyne kuxigeenka Galmudug  ayaa hambaliyo u diray Ciidamada Qalabka sida guul uu sheegay inay kasoo hooyeen  dagaalkii Shalay ee degaannada Sinadhaqo iyo labi-dulle Ciidamada kula galeen Al-Shabaab.

“ Waxaa sugar ah ugu hambalyeeynayaa  Guutada 15 ee qaybta 21aad ee Ciidamada Xogga Soomaaliya iyo Ciidanka NISA  oo ayago shalay deegan baxad weyn ka saaray  Al-habaab, waxana ka tacsiyadeeynayaa Askarti ku shahiiday inta ay howlgalada xaq udirarka ah ay socdeen ayuu yiri” Cali Daahir Ciid.

Ciidamada dowladda gaar ahaan guutada 15 ee qaybta 21aad ayaa howlgal saacado badan qaatay waxaa ay ka sameeyeen degaano hoostaga Magaalada Dhuusamareeb, iyaga oo kula wareegay degaano dhowr ah.

COMMENTS