April 4, 2021 | Posted by admin

Madaxweyne Farmaajo Dhacdadii Xalay Lagu waayay Dhalinyaro Soomaaliyeed Laguna Dilay Qarax ka dhacay Meel udhaw Madaxtooyada Soomaaliya Maxay tahay sababaha uusan uga hadlin ?

Waxaa Horay udhacday in Madaxweyne Farmaajo uusan xitaa ka hadlin Dhacdo Fool xun oo Marqura Lagu laayay Gobalka Sh/dhaxe dhaqaatiir Da’yar ah oo gaaraya 8 ruux, waxaana dhacdadaan ay ka dhacday Deegaanka Gololeey 28, 5, 2020.

Sidoo kale September 17, 2020 , Culimo ayaa Lagu laayay Deegaan Hoostaga Degmada Warsheekh, si Lamid ah Sooma Hadal qaadin.

Madaxweyne Farmaajo waa Qofkii ugu sareeyay Dalka Laakiin Su’aal ayaa dulsaaran Sababaha Farmaajo uusan uga hadleen Dhacdooyinkaan xanuunka Badan oo Lagu Beegsaday Culimo, dhaqaatiir iyo Dhalinyaro.

Madaxweyne Farmaajo waxaa Xusid Mudan inuu ka Tacsiyeeyay Qarax ka dhacay Kismaayo Laguna dilay Xoghayihii Rugta Ganacsiga kaas oo dhacay 11 Sebteember,2020.

Ma xasuusataa dhacdo xanuun badan oo Madaxweynuhu ka aamisay ?

COMMENTS