September 9, 2020 | Posted by admin

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay Qarax Ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Afaafka Hore ee Maqaayada Blue Sky oo kaabiga ku heysa Madaxtooyada Soomaaliya.

Goobjooge la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay Xiliga qaraxa uu dhacayay in goobta ay ku sugnaayeen dad shacab ahaa oo goobta ka shaaxeenayay, waxaana u badan caruur Baalash layaal ah.

Inta la Xaqiijiyay 4 ruux ayaa dhimatay sidoo kale waxaa dhaawacmay 7 kale oo u badnaa Shacabkii fadhiyay maqaayada Blue Sky oo lagu Shaaxeeyo xiliga galbihii.

Wali wax war ah kama soo bixin Taliska ciidamka Booliska oo looga hadlayo Qaraxaasi, Hasa yeeshee Qaraxa ayaa Loo adeegsaday Qof isasoo miidaamiyay, waxaana Qaraxa uu ku soo aaday xili Biri Lagu wado in Muqdisho uu ka Furmo Shirka udhaxeen doona Maamul Gobaleedyada dalka iyo Dowladda dhaxe.

COMMENTS