September 9, 2020 | Posted by admin

Waxaa jirta hubaal la’aan ku saabsan in aanu berri qabsoomi doonin shirka loo balansanaa ee u dhaxeeya DFS, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, iyadoo ay caawa baaqatay casho sharaf ka dhici laheyd Madaxtooyada oo dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, ka qeyb geli lahaayeen.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in shirka uu si rasmi ah u furmi doono Maalinta Sabtida ee soo socota, si arrimo jira lagu xaliyo labada maalmood ee soo socda oo Maamul goboleedyada dhexdooda iyo Villa Somalia oo dhinac ah.

Sidoo kale warar laga helayo Kulan maanta duhurkii dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegaya weli taagan tahay arrinta Gedo oo Jubbaland ku doodeyso in la bilaabo tallaabooyinkii koowaad ee xal ka gaarista arrinta Gobolka Gedo oo ka mid ahaa caqabadihii ku horgudbanaa Shirkii saddex geesoodka ahaa la filayay inay yeeshaan Madaxweyne Farmaajo, Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Madoobe.

COMMENTS