September 9, 2020 | Posted by admin

Xarunta Madaxtooyadda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa si rasmi ah uga furmay Shirka wadatashiga ah ee Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Maadxweyneyaasha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qooyqoor iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamuladaas.

Markii uu soo dhammaado shirka wadatashiga ah ee ka furmay Magaalada Baydhabo ayaa waxaa laga soo saari doonaa War-murtiyeed ka kooban dhowr qodob oo Madaxda ay isku raaceen, iyagoona intaaas kadib u soo duuli doona Magaalada Muqdisho.

Ammaanka guud ee Magaalada Baydhabo  ee Xarunta Gobolka Baay ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana la xiray inta badan waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta Madaxtooyadda Koonfur Galbeed.

COMMENTS