August 5, 2020 | Posted by admin

Allaha U Naxariistee waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomalaiya ku geeriyooday Drs Xaawo Cabdi Dhiblaawe oo ka mid aheyd Dhaqaatiirta waa weyn ee Soomaaliya, kadib xanuun la sheegay in uu xalay kusoo booday.

Drs Xaawo Cabdi ayaa mudo badan ka soo shaqeynaysay Arimaha Caafimaadka Soomaaliya, gaar ahaan xillyo adag oo dalka Soomaaliya ay ka jireen xaalado adag oo aan fududeyn in la Shaqeeyo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid allaha unaxariistee Drs Xaawa cabdi oo ka mid aheed dhaqaatiirta caanka ka aheed Dalka.

Sidoo kale Geerida Dr Xaawa cabdi waxaa war ka soo saartay Qaramada Midoobe waxaana Qoraalka QM lagu sheegay in Xaawa cabdi  ay aheed Dhaqtarad ku soo shaqeysay dhibaatooyinkii Soomaaliya ka dhacay

COMMENTS